XOG: Qalbidhagax oo ku wajahan Kenya ka dib siideyntiisii

Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax waxa uu ka mid yahay Saraakiisha Jabhada ONLF waxaana mudo hal Sano ku dhawad ah uu ku xirnaa Xabsi ku yaalla dalka Itoobiya kadib markii dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa hadal heynta waxa ay aheyd siideynta Qalbi-Dhagax oo ka ka mid ahaa Saraaksiiha Jabhaa ONLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya cid kasta haku lug yeelato siideyntiisee.

In kastoo ay xaqiiqo noqotay siideynta Qalbi Dhagax ayaa hadana Warar ay heshay Dalsan waxa ay sheegayaan in Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax uu dhawaan uu aadi doono dalka Kenya kadib markii ay magangelyo siisay Dowladda Kenya.

Illo lagu kalsoonaan karo ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in siideyntaa Qalbi Dhagax kadib uu qorshuhu yahay in uu u duulo Magalada Nairobi ee dalka Kenya si uu waqti ugu qaato maadaama laga soo daayey Xabsigii uu ku jiray ee dalka Itoobiy.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor