(XOG): Madaxweynaha Sudan oo laga yaabo inuu ka baaqdo Shirka Madaxda IGAD uga furmayo Muqdisho

Madaxweynaha dalka Sudan, Omar Hassan Albashiir ayaa laga yaabaa inuusan ka soo qeyb gelin Shirweynaha Madaxda Dowladaha ku jira Urur-gobaleedka IGAD isbuucan ku yeelan doonaan magaalladda Muqdisho.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska Awal East Afrik,Madaxweyne Albashiir waxa uu ka cabsi qabaa haddii uu Muqdisho tago in lagu xiri doono, iyadoo ay Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda (ICC) horey u amartay in la soo xiro Madaxweynaha Sudan oo lagu eedeynayo inuu ku lug lahaa waxa ay Maxkamadda Caalamiga ku sheegtay Gabood-fal ka dhacay Gobalka Daarfuur ee Galbeedka Sudan.

Mas’uul ka tirsan Dowladda Sudan oo Warbaahinta ka codsaday inaysan soo xiganin magaciisa ayaa laga soo xigtay inay Dowladda Sudan shaki ka qabto Mowqifka Dowladda Somalia ee ku aadan Fulinta Amarka ay Maxkamadda ICC  soo saartay sannadihii 2011-kii iyo 2013-kii ee ay ku dalbatay in loo soo gacan geliyo Madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xasan Albashiir.

Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay inuu Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Sudan hoggaamin doono Wafdiga Dowladda Sudan uga qeyb galayo Shirka Madaxda IGAD oo looga hadlayo Ajendo ay ka mid tahay Hanjabaadaha Kooxaha Argagixisadda ku hayaan dalalka IGAD.

Booqashadda Albashiir uu kaga baaqday Shirka IGAD ee ka furayo Muqdisho aya noqonayo  Safarkii 3-aad ee uu ka baaqdo Shirar Madaxeedyo lagu casuumay.

Wuxuuna bishii hore qaadacay Shirweynihii Hoggaamiyayaasha 34 Dowladood oo  Afrikaan ah  iyo  Ra’isul-wasaaraha Japan ku yeesheen Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi iyo Shir kale oo ka dhacay Caasimadda dalka Venesuella ee Karakas.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media