(XOG): Madaxweynaha Eritrea oo Wafdi u diri doono Ethiopia

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki  ayaa la sheegay inuu Wafdi u dirayo Addis Abeba, si ay wada-xaajood wax dhisaya ula yeeshaan Madaxda dalkaasi.

Danjiraha Dowladda Eritrea u jooga dalka Japan, Ambassador Estifanos Afeworki  ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu maanta soo dhigay bartiisa Twitterka ee @AmbassadorEstif

Danjiraha ma bixinin faahfaahin dheeraad ah oo ku adaan Wafdiga Eritrea ee la filayo inay booqasho ku tagaan Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Tallaabadaasi ayaa u muuqata mid ay Dowladda Eritrea ku soo dhaweynayso Baaqii uu Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed waxa uu sheegay inuu doonayo inay Dowladda Eritrea la heshiiyaan, isla markaana Ciiddanka Ethiopia dib uga soo baxaan Degmadda Badame oo ku taalla xuduudka Labadaasi dal oo Eritrea looga qabsaday dagaalkii dhex maray labada ciiddan.

Dagaalkaasi oo bilowday bishii May ee sannadkii 1998-dii, waxa uu dhamaaday bishii June ee sannadkii 2000, iyadoo lagu dilay Kumanaan Askar oo labada dhinac ah.  

Dhinaca kale, Idaacadda FANA ee taabacsan Dowladda Ethiopia ayaa baahisay hadalka ka soo baxay Madaxweynaha muddada dheer ka talinayey Eritrea, ee uu ku sheegay inuu Wafdi Nbaadeed u soo diri doono Addis Abeba.

Halkan ka akhriso Qoraalka uu Danjiraha Eritrea u jooga Japan soo dhigay bartiisa Twitter-ka:

Ambassador Estifanos‏ @AmbassadorEstif

President ISAIAS announced tdy that #Eritrea shall dispatch delegation to Addis Abeba to a constructive engagement with #Ethiopia #BBC #CNN

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media