XOG: IGAD oo diiday in Muwaadin Somali ah loo magacaabo Xoghayaha Guud ee IGAD.

Ilo Diplomaasi oo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inay Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD  wada laaleen qoraal uu Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ku magacaabay Xasan Kheyre oo ah Somali-Norwegian, kaasi oo la qorsheynayey inuu noqdo Xoghayaha Guud ee cusub ee IGAD.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dhowr bilood ka hor qoraalkaasi u diray Madaxda iyo Hoggaaminta Urur-gobaleedka IGAD, si Xasan Kheyre  loogu wareejiyo xilka Xoghayaha Guud ee IGAD oo uu haatan hayo Engineer Maxbuub Macallim.

Warar Xogogaal ayaa sheegaya in qoraalka Magacaabista Xasan Kheyre ku soo beegantay Warbixin ay Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea (The UN’s Somalia and Eritrea Monitoring Group) ku sheegeen inay Xasan Kheyre suurtogal tahay inuu xiriir la leeyahay Xarakadda Alshabaab.

Guddiga waxay Warbixintooda ku dabaqeen iyadoo Xasan Kheyre  yahay Agaasimaha Shirkadda Som Oil and Gas ugu qaabilsan Geeska Afrika, isla markaana uu horey ula soo shaqeeyey Hay’adda Dowladda Norway ugu qaabilsan Qaxootiga ee The Norwgian Refugee Council (NRC).

Xiriiryaha Guddiga QM ee Kormeerka Somalia iyo Eritrea, Christophe Trajbet ayaa horey u qoray in Wakiilka Soma Oil and Gas ee Bariga Afrika, Xasan Kheyre laga yaabo inuu xiriir la leeyahay Alshabaab iyo waxa uu ugu yeeray Xag-jirayaasha.

Shabakadda Wararka ee BuzzFeed oo daabacday qoraalka Xiriiriyaha Gudsdihgaasi ayaa lagu sheegay inay Baarayaasha doonayaan Faahfaahinta Diiwaanka Canshuur-bixinta, Xisaabaadka Bangiga iyo Kaararka Deynta ee uu leeyahay Muwaadinka Somali-Nowegian-ka, Xasan Kheyre.

Madaxda Sare ee Soma Gas and Oil waxay beeniyeen eedeymahaasi, oo ay ku tilmaameen mid looga dan leeyahay in lagu dhaawaco Sumcadda Shirkadda Soma Oil and Gas iyo midda Shaqsigaasi.

@Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor