Xog-hayaha Cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo xilkii kala wareegay Xog-hayihii hore

Munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xog-hayihii hore ayaa  lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana munaasabadda goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Cumar Carte iyo dhamaan shaqaalaha Xafiiska.

Xog-hayihii Joogtada ee hore Mudane Maxamed Cali Nuur oo hadal kooban jeediyay ayaa u mahad-celiyay shaqaalaha Xafiiska, isaga oo ku amaanay sida xil-kasnimada leh ee ay u gutaan waajibaadkooda shaqada xafiiska “Runtii intii aan xilkan hayay waxaa noo qabsoomay howlo badan, waxaana idinka codsanayaa in la sii wado, si wada jir ahna loo wajaho howlaha qaranka” ayuu yiri Mudane Maxamed Cali Nuur.

Xog-hayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare C/salaan Salwe ayaa uga mahadceliyey Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuuna ballan-qaaday inuu howsha meeshaas kasii wadi doono, kana faa’iideysan doono khibradda baaxadda wayn ee uu Xafiiska ugu yimid.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda soo xiray RW ku-xixeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte oo u mahad celiyay Xog-hayihii hore ee Xafiiska R/Wasaaraha Mudane Maxamed Cali Nuur wuxuuna ku tilmaamyay shaqada uu xafiiska ka soo qabtay intii uu xilka hayay ay tusaale wanaagsan u tahay sii socoshada howlaha Xafiiska.

“Walaalkey Maxamed Cali Nuur waxaan leeyahay runtii waxaa shaqada laguu dhiibay waqti adag oo xasaasi ah, waxaadna qabatay shaqo badan oo maanta ka muuqata xafiiska R.W. Inaguna kumaynaan dhigin meel cidlo ah, waxaan rajeynayaa in khibradiisa laga faaideysan doono. Xog-hayaha cusub waxaan isna leeyahay soo dhawoow xilka aad maanta la wareegtey waa mid culus oo laf-dhabar u ah howlaha qaranka”.

—DHAMMAAD—
Ahmed-nur Mohamed
Media OPM
Mugadishu-Somalia
E-mail: [email protected]
Twitter: @SomaliPm, @Axmednuur

IMG 4466
IMG 4281
IMG 4482
IMG 4569
IMG 4552

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor