XOG: Dowladda Federalka oo shixnado hub ah u dirtay Puntland

Ilo-wareedyo ku dhow Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa waxay muujiyeen inay 2  Diyaarado Xamuul oo wada shixnado hub ah loo diray Maamulka Puntland, kuwaasi oo loogu talagalay inay Ciiddanka Puntland u adeegsadaan Dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.

Diyaaradahaasi ayaa la qorsheynayaa inay gelinka dambe ka degaan Garoonka ku yaalla duleedka Xarunta Dhexe Maamulka Puntland  ee  Garowe.

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii uu Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali “Gaas” ku baaqay in laga taageero dagaalka ay kula jiraan Alshabaabka dhawaan gaaray qeybo ka mid ah Puntland.

Dhinaca kale, Xiriirka Dowladda Federalka iyo Puntland ayaa haatan u muuqda mid ka duwan sidii uu horey u ahaa, iyadoo Madaxweyne C/weli Gaas sheegay inay Dowladda Federalka iyo Maamulkiisa ka mideysan yihiin Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, wuxuuna si taxadir leh u beeniyey hadalo ay Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa ku sheegeen inay Dowladda Federalka wax ka soo abaabushahy Alshabaabka ku qulqulayo Puntland.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor