(Xog Culus): Dowladda Kenya oo go’aansatay inay macluuliyaan Alshabaabka ku sugan dhulka xuduudka.

Ilo ku dhow Dowladda Kenya oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin ayaa sheegay inay Koox ka tirsan Saraakiisha Ammaanka ku sugan Mandera lagu amray inay  xayiraan dhamaan Shixnadihii Gargaarka Samafalka ee u gudbi jirey Xuduudka Somalia.

Ilo-wareedkaasi oo u waramay Wargeyska The Nation ayaa sheegay in go’aankaasi looga dan leeyahay in la macluuliyo Alshabaab, isla markaana laga horjoogsado inay gaaraan Shixnadaha Raashinka ee u gudbayo xuduudka Somalia.

Ilo-wareedka ayaa xusay in go’aankaasi ciqaab u yahay weerarkii ay Alshabaab  bartamihii bishii hore ee Janaayo ku dileen tiro ka mid ah  Askartii Kenyanka ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Dhinaca kale, Go’aanka Dowladda Kenya ku xayirayso Shixnadaha Gargaarka u soo gudbin jirey Somalia ayaa waxa uu yimid, iyadoo uu Guddoomiyaha Gobalka Mandera, Fredrick Shisia  sheegay inay qabteen 3 gawaarida Xamuulka oo u rarnaa Hay’adda QM ee Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP.

Waxa uu tilmamaay inay ku tuhunsan yihiin inay Shixnadahaasi loo waday Alshabaabka ku sugan Degmadda Dolow Somalia.

©Radio Dalsan   

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor