(XOG CULUS): Dowladda Federalka oo Masar u diiday Saldhig Milliteri iyo Eritrea oo u oggolaatay.

Xasaasiyadda ka jirta Mandiqadda Geeska Afrika iyo Colaadda Masar iyo Ethiopia ee Webiga Nile darteeda ayey DFS waxay laashay Codsi ay Dowladda Masar ku doonaysay inay Saldhig Milliteri kaga dhistaan Somalia iyo Somaliland.

Wargeyska Sudan Tribune ayaa qoray inay Hoggaamiyayaasha Masaarida dhawaanahan culayska saarayeen dadaalka Diplomaasiyadeed si ay Dowladaha Gobalka, gaar ahaan Somalia, Djibouti uga heli lahaayeen Ballanqaad ku aadan inay Saldhig Milliteri iyo mid Ganacsi ka samaystaan dalalkaasi.

Wargeyska waxa uu qoray inkastoo ay Masar ku guul-daraysatay Qorshahasi waxay haatan ku guuleysatay inay Dowladda Eritrea ka helaan oggolaanshaha  ay Saldhig Milliteri kaga samaysan karaan.

Kooxda Mucaaradka ee Qowmiyadda Cafarta ku kacsan Dowladda Eritrea ayaa shaaciyey in Dowladda Masar saldhig Milliteri laga siiyey Saldhigga  Nora oo ku yaalla Jesiiradda Dahlak Island.

Saraakiissha Kooxda Mucaaradka oo lagu magacaabo “The Red Sea Afar Democratic Organization (RSADO), ayaa sheegay inay Dowladaha Eritrea iyo Masar kala saxiixdeen Heshiiskaasi, iyadoo ay Wafdi Heer Sare oo Masaari ah isbuucii hore booqdeen dalka Eritrea.

Qiyaastii Ciiddamo tiradooda u dhexeyso 20,000 ilaa 30,000 oo Ciiddanka Badda Masaarida ayaa loo daad-gureyn doonaa Saldhigga loo qorsheeyey, sida laga soo xigtay Mucaaradka Eritrea.

Haddii uu qorshahaasi rumoobo, waxay Masar noqon doontaa dalkii 3-aad ee Carab ah ee Saldhig Milliteri ka dhista dalka Eritrea oo haatan ay saaran tahay Cunaqbataynta QM ee Hubka, kadib, markii lagu eedeeyey inay Hub iyo dhaqaale siiyaan Dhaqdhaqaaqa Alshabaab  Somalia.

Haatan, Ciiddamadda Sacuudiga iyo kuwa Imaaraadka waxay Saldhigyo ku leeyihiin Degmadda Casab ee Eritrea, waxayna Isbhaysiga Sacuudiga ka qaadaan Duullaanka ka dhanka ah Kooxda Xuutiyiinta Yemen.

Dhinaca kale, Siyaasiyiinta Dowladda Ethiopia ayaa walaac xooggan ka muujiyey Danaha Masaarida ee ay ku hubinayaan inay Saldhigyo ku yeeshaan Geeska Afrika.

Dowladda Masaarida waxay ka baqaysaa Mashruuca Biyo-xireenka laga dhisayo Webiga Nile ee ay Ethiopia ku bixisay Balaayiinta Dollar.

Si kastaba ha ahaatee, Xiriirka Ethiopia iyo Eritrea ayaa weli calawsan, kadib, dagaalkii labada ciiddan ku dhex maray Xuduudka sannadkii 2000, kaasi oo lagu dilay dad lagu qiyaasay in ka badan 70,000 oo qof.

Xigasho: Sudan Tribune

©Radio Dalsan

.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media