Xisbiga ODM ee Kenya oo ku baaqay in xilalka laga qaado Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciiddanka Kenya.

Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Mucaaradka Kenya ee The Orange Democratic Movement ee ODM, ayaa ka codsaday Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu sida ugu dhaqsaha badan xilka uga xayuubiyo Haweeneyda Wasiirka Difaaca ah,  Raychelle Omamo iyo Taliyaha Ciiddanka Kenya, Samson Mwathethe, Fashilkii Weerarkii Ceel-cadde oo lagu dilay tiro aan la aqoonin oo Askar ah, kuwaasi oo laga qaatay Gaadiid Tekniko ah.

Xildhibaanadda oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Dhismaha Barlamaanka Kenya ee ku yaalla magaalladda Nairobi waxay sheegeen inaysan Omamo u qalmin Xilka Wasiirka Difaaca, loona baahan yahay in loo dhiibo Xilil fudud.

“Waxay aad ugu qalantaa Baadarinimo, halkii looga magacaabi lahaa Wasiirka Difaaca” ayey yiraahdeen Xildhibaanadda ODM,waxayna intaasi ku dareen inay Wasiirada iska ooynaysay, markii Maydadka Askarta laga soo dejinayey Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magaalladda Nairobi.

Xildhibaanadda waxay sheegeen inaysan Wasiiradda dalka ka badbaadin karin Alshabaab.

Xildhibaan Juneet Maxamed oo ka tirsan Xisbiga ODM waxa uu isagu sheegay inay Wasiiradda Difaaca tahay Wasiirkii ugu xumaa Wasaaradda Gaashaandhiga ee soo mara Kenya, tan iyo markii ay xorriyadda qaadatay Kenya sannadkii 1963-kii.

Xildhibaanadda Isbahaysiga Mucaaradka ODM ee uu hoggaamiyo Raila Odinga waxay kaloo ku baaqeen in Ciiddanka Kenya laga soo saaro Somalia dhamaadka sannadkan 2016-ka.

Dhinaca kale, Xisbiga Mucaaradka ee ODM waxay aad ugu eedeeyeen Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu safar isaga maqan yahay Mombasa, halkii uu kala socon lahaa Xaalladda Askarta dhibaataysan.

©Radio Dalsan         

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor