Xisbiga GURMAD oo Dr. Cabdinaasir Maxamed u doortay musharraxa uga qeybgalaya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya (Cod+Sawirro)

Xisbisiyaasadeedka Gurmad ayaa xalay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ku daahfuray ololaha kaqeyb galka doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo la filayo inay dhacdo dabayaaqada sanadkan 2016.

Dr. Cabdinaasir Maxamed oo ka mid ah aas-aasayaasha Xisbiga Gurmad ahna dhaqtar Soomaliyeed iyo ganacsade in muddo ahna kunoolaa gobolka North Caroline ayaa kudhawaaqay inuu yahay musharrax u tartamaya xilka madaxweynaha dalka, wuxuuna yiri.

“Anigoo tixgalinaya rajada uu  qabo shacabka  Soomaaliyeed, kuna tartamaya magaca xisbiga Gurmad waxaan idiin cadeynayaa inaan ahay musharrax u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya”

“Gurmad inay soo gasho siyaasadda dalka waxaa ku kallifay markii ay aragtay dhibaatooyin badan oo dalka kajira, gaarahaan habacsanida dowladdanimo, amnidarrada, caddaalad darrada, saboolka, shaqo la’aanta iyo qul-qulka tahriibka” ayuu sii raaciyay Dr. Cabdinaasir.

Wuxuu sheegay Dr. Cabdinaasir in isaga iyo xubnaha kale ee xisbiga Gurmad ay u cuntami weysay xaaladda dalka, ayna go’aan sadeen inay kaqeyb galaan tartanka siyaasadda.

“Inagu waxaan heysannaa nolol nagu filan, hase ahaatee waxaa noocuntami waayay xaaladda dalkeenna, waxaan maanta mareynaa heer ay dowladahashishiye noogu sooqaataan tusaale yaal xun, arag hadalkii uu yiri Ra’isul Wasaaraha Hindiya – taasi namaqabato ee waa inaan iska rognaa heeryada, sidii SYL ay isaga tureen heeryadii gumeysiga, Xisbi ahaan waxaan kanaxeynaa dalka iyo dadka” ayuu sharraxay Dr. Cabdinaasir.

Dr. Cabdinaasir ayaa sheegay  inuu sameyn doono dib u heshiisiin dhab ah haddii uu ku guuleysto madaxtinimada dalka. “Waxaan tagi doonaa tuulo, magaalo, degmo iyo gobolkasta, waxaan horfariisan doonaa dadka Soomaaliyeed oo idil, waxaana kashaqeyn doonaan in dadku is cafiyaan oo heshiiyaan, ayna is oggolaadaan”

Jibriil Maxamed oo ka mid ah aas-aasayaasha  Xisbiga Gurmad, ahna macallin ka tirsanJaamacadda Ohio State University oo sharraxayay aragtida iyo hiigsiga Gurmad ayaa yiri “Markii aan aragnay in talada dalka aynaan gacan ku heyn oo dad kale ay u tahay mashruuc, markii aan aragnay madax u nugul qabyaaladda, shisheeyaha iyo musuq-maasuqa ayaan go’aansannay inaan shirar, kulamo iyo  cilmi baaris xaaladda dalka lagu ogaanayo aan kuqabanno dhowr magaalo, inagoo is tusnay muhiimadda aragtida xisbiga Gurmad ee kusaleysan waddaniyadda, midnimo qaran, sharci iyo kala dambeyn, dimoqraadiyad iyo rabitaanka shacabka, waxaana dhammaateen diyaar u nahay inaan dalkeenna u gurmanno nololkasta oo aan kunool nahay”

“Taariikh badan oo khaldan ayaa dalka soomartay, hase ahaatee Gurmad waxay diyaar u tahay inay soo afjarto oo ay halgan u gasho sidii qaranimada Soomaaliyeed loo soo celin lahaa” ayay tiri Khadra Maxamed oo katirsan Gurmad.

Cadar Kaahin oo katirsan indheergaradka Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis ayaa tiri “Ficiliyo in lalaxisaabtamo madaxda ayaa loo baahanyahay, Waana in la soo celiyaa ehelnimadii iyo walaaltinimadii”

Xisbiga Gurmadaya abilihii ugu dambeeyay wuxuu talooyin iyo aragtiyo kabixinayay xaaladda dalka, waxaana la filayaa in kaqeybgalkooda doorashada uu xiiso, fikrado iyo tartan siyaasadeedku soo hordhiyo saaxadda siyaasadda dalka.

sawir 1 sawir 2 sawir 3 sawir 5 sawir 6 Screen Shot 2016-05-15 at 9.14.29 AM Screen Shot 2016-05-15 at 9.15.32 AM Screen Shot 2016-05-15 at 9.16.18 AM Screen Shot 2016-05-15 at 9.17.26 AM Screen Shot 2016-05-15 at 9.17.39 AM Screen Shot 2016-05-15 at 9.18.18 AM Screen Shot 2016-05-15 at 9.18.43 AM Screen Shot 2016-05-15 at 9.20.44 AM