Xiriirka Ururadda Shaqaalaha Soomaaliyeed oo ku baaqay inay Doorasho noqoto mid Hufan oo ku dhacda nabad buuxda.

War-saxaafadeed ka soo baxay Kongareeska Ururadda Ganacsiga Soomaaliyeed (SOCOTU)  ayaa lagu sheegay iyadoo ay Doorashadda   Barlamaanka ka bilowdeen maagallooyinka waa weyn ee dalka isbuucii la soo dhaafay, waxa uu Xiriirku ku biiray Kooxaha kale ee  Bulshadda Rayidka eek u baaqayo inay Doorashaddu noqoto mid xaq ah, hufan, kuna dhacda nabad buuxda.

Xiiirka SOCOTU waxay amaaneen Dowlad-gobaleedyadda Puntland, Galmudug, Jubbaland , K/galbeed iyo Hirshabelle sida ay u sugeen dhamaan Ka-qeybgalayaashadda Doorashadda.
Xiriirku, waxay kaloo bogaadiyeen Guddiyadda Doorashadda Heerka Federalka iyo Dowlad-gobaleedyadda sida ay u maamuleen Doorashooyinka Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.

Sidoo kale, Xiriirka SOCOTU waxay tilmaameen inay ku faraxsan yihiin Doorka Bulshadda Caalamka sidii ay u qabsoomi lahaayeen Doorashooyinka, kuna taageeraan Dhaqaale iyo Diplomaasiyad.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Kongareeska Ururadda Ganacsiga Soomaaliyeed (SOCOTU)   waxaa lagu muujiyey inay aqoonsan yihiin dadaalka u usameeyey Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Michael Keating oo aan ka daalin sidii ay Hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed hubaal uga dhigi lahaayeen qabsoomida Doorashadda.

Dhinaca kale, Kongareeska Ururadda Ganacsiga Soomaaliyeed (SOCOTU)   waxay ugu dambeyntii ugu baaqeen Madaxda Galmudug iyo Puntland in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Gaalkacyo.

©Radio Dalsan