Xiriirka Suxufiyiinta Caalamka ee IFJ oo ka hadlay Suxufiyiintii ku geeriyootay Qarixii Hotelka Jaziira

Guddoomiyaha Xiriirka Suxufiyiinta Caalamka “The International Federation of Journalists ee IFJ” Jim Boumalha ayaa cambaareeyey Isqarxintii ay Alshabaab ka geysteen Hotelka Jaziira ee magaalladda Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen tobaneeyo qof oo ay ku jireen labo Saxafi.

War Qoraal ah oo uu ka soo saaray Xarunta Dhexe ee IFJ oo ku taalla caasimadda dalka Beljim ee Brussels ayaa sheegay inay aad uga naxeen warka ku saabsan inay labo Saxafi ku geeriyootay Qaraxaasi, halka mid kalena uu soo gaaray dhaawac halis ah.

“Waxaan ka argagaxnay bar-tilmaameedka qaraxa o oay ku geeriyoodeen Labo Saxafi oo Soomaali ah, waxaanaTacsi u diraynaa qoysaska ay ka baxeen saaxiibadeenna Suxufiyiinta. Waxaana cambaaraynaynaa qaraxaasi’ ayuu yiri Guddoomiyaha Xiriirka Suxufiyiinta Caalamka “ IFJ” Jim Boumalha

Suxufiyiinta ku geeriyootay qarixii shalay ka dhacay Hotelka Jazeera ayaa lagu kala magacaabi jirey C/xakiim Maxamed Cumar oo u shaqeynayey Telefishinka SBC iyo Weriye Mohamed Abdihakim Macallim Omar oo ahaa Weriyihii Telefishinka UNIVERSAL ee Gobalka Gedo.

Xiriirka Suxufiyiinta Caalamka “The International Federation of Journalists ee IFJ” waxaa ku mideysan  in ka badan 600,000 oo Suufiyiin ku kala nool 134 Waddan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor