Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya oo sheegay inay Alshabaab kaga guuleysteen Nawaaxiga Garissa.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Mohamud Ali Salah ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Nation, wuxuuna tilmaamay in Dib-u-furista Jamaacadda Garissa astaan u tahay inay ku guuleysteen dagaalkii ay kula jireen waxa uu ugu yeeray Aragtiyaha Alshabaab.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan xubnaha Alshabaab ku sii nagaan doonin Gobalka W/bari Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Tan iyo markii la soo weeraray Jaamacadda Garissa, waxaan kordhinay Roondada Boliska ee gudaha iyo daafaha Degmadda, mana dhicin shilal kale dhowrkii bilood ee la soo dhaafay” ayuu yiri Mohamud Ali Saleh

Sidoo kale, waxa uu qiray inay Alshabaab weli ku xooggan yihiin Mandera oo uu xusay inay ku taallo meel aad ugu dhow Xuduudka Somalia, balse ay Ciiddanka Ammaanka natiijo fiican ka keeneen ammaanka inta u dhexeysa Degmooyinka Mandera iyo Ceel-waaq Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Jaamacadda Garissa, Prof. Axmed Cumar Warfa ayaa sheegay in Bar Bolis laga dhisay Jamaacadda gudaheeda, isla markaana ay Dowladda Kenya ku kharaj gareyn doonto 230 million oo Shillinka Kenya si Jamaacadda loogu samayn lahaa Xayndaab Adag iyo Kaamerooyinka Qarsoon ee CCCTV si loola socdo Dhaqdhaqaaqa gudaha iyo hareeraha Jamaacadda.

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor