Xilliga la soo xirayo kulamada Guud ee Golaha shacabka oo la shaaciyay

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa galaya fasax labo bilood ah, iyadoo la soo xiri doono kulamada guud ee Baarlamaanka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Jawaari ayaa sheegay in 16-ka bishan la hakinayo kulamada guud, isla markaana fasax la geli doono.

Waxaa uu sheegay in ajandayaasha muhiimka ee u haray ay ka doodi doonaan illaa 16-ka bishan, xilligaasoo si rasmi ah loo soo xiri doono Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka.

Jawaari ayaa sheegay in marka la hakiyo kulamada Golaha shacabka ay tahay marka ugu shaqada badan tahay, isla markaana labada bilood ee fasaxa lagu maqan yahay Xildhibaan walba uu aadi doono deegaankii laga soo doortay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media