Xilliga la aasayo maydka Askarigii Maraykanka ee lagu dilay Somalia oo la shaaciyey

Ilo ku dhow Xafiiska Gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon ayaa sheegay inay socdaan qabanqaabadda Aaska Milliteri loogu samaynayo Askarigii Maraykanka ee lagu dilay Iska horimaadkii ay Ciiddamadda DFS iyo kuwa Maraykanka ay Dagaalamayaasha Alshabaab kula galeen duleedka magaalladda Kismaayo. Askarigaasi oo la oran jirey Saddex Alifle Alexander W. Conrad oo 26-jir ah waxa uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarkii Alshabaab ee bishan June 8-dii ka dhacay Deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Weerarkaasi waxaa kaloo lagu dhaawacay 4 Askari oo Mraaykan ah, kuwaasi oo dhaawacooda loo qaaday dalka Kenya, balse loo sii gudbiyey Isbitaalka Taliska Guud ee AFRICOM ku leedyihiin dalka Jarmalka.

Dhinaca kale, Maydka Saddex Alifle Alexander W. Conrad ayaa la sheegay in la aasi doono bishan June 30-da.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor