Xilli-hawleedka Hawlgalka UNSOM oo la kordhiyey

15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa isku raacay in muddo 6 bilood loagu kordhiyo Hawlgalka QM ee Taakuleynta Somalia (United Nations Assistance Mission in Somalia) ee UNSOM.
Golaha ayaa soo saaray Qaraar Tirsigiisu yahay 2346 ee sannadkan 2017-ka,oo xilliga Hawlgalka UNSOM la gaarsiiyey ilaa bisha June 16-da ee sannadkan.

Xubnaha Golahaasi waxay Warbixin ka dhegeysteen Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia ahna Madaxa Hawlgalka UNSOM, Michael Keating, kaasi oo oo ka hadlay xaalladda guud ee Somalia iyo Macluusha ba’an ee ka jirta Somalia.
Waxa uu xusay inay in ka badan 6 million oo Soomaali ah u baahan yihiin Samafal Aadminimo.
QM ayaa horey u codsatay lacag dhan 825 million oo Dollar oo lagu taageero 5.5 million oo qof oo ku sugan Somalia tan iyo inta laga gaarayo bisha June ee soo socota.
Dhinaca kale, Michael Keating, waxa uu ku baaqay dadaal badan in la geliyo Dhismaha Awoodaha Hay’adaha Dowladda Federalka, xaqiijinta Maareynta Maaliyadda, Daah-furnaanta iyo Isla-Xisaaabtanka.
©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media