Xilli-hawleedka AMISOM oo la kordhiyey, lana qorsheynayo in la dhimo tiradooda

15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay yeesheen Shir Khaas ah oo ay kaga hadleen Xaalladda Ammaanka Soomaalia iyo Hawlgalka AMISOM.

Goluhu waxay isku raaceen in muddo 1-sanno ah  lagu kordhiyo HawlgalkaAMISOM, wuxuuna Xilli-hawleedkooda ku ekaan doonaa bisha May 31-da ee sannadka soo socda.

Golaha Ammaanka ee QM waxay kaloo xaqiijiyeen in la dhimo Tirada Ciiddanka AMISOM, .waxaana tirade Ciiddanka AMISOM lagu soo koobayaa 21.626 Askari marka la gaaro bisha December ee sannadkan.

Goluhu waxay  kaloo tilmaameen inay jiri doonto dhimis dheeraad ah, iyadoo Ciiddanka AMISOM ee tiradooda haatan dhan tahay 22,126 Askari lagu soo koobi doono 20,626 marka la gaaro bisha October 10-da ee sannadka soo socda.

Golaha Ammaanka ee QM waxay kaloo qireen inay AMISOM caqabad ka haysato Dagaalka Alshabaab iyo Xilliga Kala-guurka, si ay Ciiddanka Qaranka Somalia, si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda Ammaanka Somalia.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media