Xildhibaano Socdaal Amni ku maray Wadada xiriirisa Balcad iyo jowhar

Tiro xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka hir-Shabeelle oo ay wehlinayaan Maamulka degmada Balcad ayaa Maanta waxa ay booqdeen deegaanka Nasheekh e duleedka degmada Balcad.

Goobta ayaa waxaa fariisin u ah Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,kadib weeraro joogto ah oo halkaasi ay Al-Shabaab ka geysan jireen.

Xildhibaanada ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle iyo Maamulka degamda ayaa waxa ay sheegeen ,iyaga oo Warbaahinta la hadlayey in ujeedka kormeerkooda uu ahaa sidii loo ogaan lahaa xaalada amni ee tuuladaas maadaama ay weeraro dhowr mar ka dhaceyn.

Sidoo kale xildhibaanada iyo Madaxda Maamulka degmada Balcad ayaa waxaa ay kormeer ku tegi doonaan tuulooyinka hoostaga degmada Balcad oo ay ka mid tahay tuulada Xawaadley oo uu Wabiga Shabeelle ka fatahay.

Maamulka iyo xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay ka goa’an tahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa  deegaanada ay weli kaga sugan yihiin tuulooyinka hoostaga degmada Balcad,waxana sidoo kale ay sheegeen in ay ammaan tahay wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media