Xildhibaano Kulan Deg Deg ah ka leh Go’aankii Xukuumadda Federalka ee dhiibista Qalbi Dhagax

Wax yar kadib,markii ay Golaha Wasiiradda ee DFS ku shaaciyeen inay sax tahay Tallaabadii ay Dowladda Ethiopia ugu gacan-geliyeen Cabdi Muuse Qalbi Dhagax ayaa waxaa Kulan Khaas leh Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federalka.

Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Axmed “Abuukaato” oo ka mid ah Xildhibaano kulan ka leh Hotel ku yaalla Muqdisho ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan Go’aanka ay Golaha Wasiiradda ku shaaciyeen inay Qaanuun ahaan ku saxsan yihiin tallaabadii ay Dowladda Ethiopia ugu gudbiyeen Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Sarsare ee  Jabhadda ONLF.

Xildhibaan Abuukaato oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay 60-Xildhibaan ka qeyb galayaan Shirkaasi, kuwaasi oo si qoto dheer uga hadlayo Go’aanka ay Xukuumadda Federalka dhawaan ka soo saartay dhiibistii Qalbi Dhagax.

Waxa uu si kulul u naqdiyey Go’aankii ka soo baxay Shirkii ay Golaha Wasiiradda maanta ku yeesheen Xarunta Villa Somalia.

“Maalinta Sabtida ayey wax kasta kala caddaan doonaan, marka ay Xildhibaanadda Barlamaanka Federaka isugu yimaadaan Kulankooda” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Abuukaate.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo ku dhow Xildhibaanadda mucaaradsan Go’aankaasi ayaa sheegay in laga yaabo inay Xildhibaanadda diyaariyaan Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Federalka, kaasi oo ay u gudbin doonaan Guddoonka Sare ee Barlamaanka Federalka.

Si kastaba ha ahaatee, Dhiibista Sarkaalka ka tirsan Jabhadda ONLF waxay xasaasiyad ka dhex abuurtay inta badan Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda Rayidka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media