Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo Maanta ka shiraya khilaafka soo kala dhex galay Madaxda Galmudug

Maanta ayaa la filayaa in gudaha Magaalada muqdisho ay kulan ku qaataan xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyaga oo kulankooda uga hadli doona arrimaha ku soo cusboonaaday deegaanada Maamulka Galmudug.

Kulanka ayaa ka dhici doona Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho waxaan ilo xog ogaal ah ay Dalsan u sheegeen in arrimaha ugu badan ay ka hadli doonaan ay tahay khilaafka u dhaxeeyay Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug iyo dagaalada ka soo cusboonaaday gobolka Mudug.

Kulanka Maanta ayaa ah mid isha lagu wada hayo waxyaabihii ka soo baxa iyada oo ay weli taagan yihiin khilaafka u dhaxeeya hoggaanka Galmudug iyo dagaal Beeleedyadii ka socday Bariga Gobolka Mudug

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media