Xildhibaano ka tirsan kuwa Galmudug oo Safar aan la shaacin ku tagay Dhuusa-Mareeb(Sababta)

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamul Goboleedka Galmudug ayaa gaaray Magaalada dhuusa-Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud oo ay maamulaan Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca ee ka soo horjeeda Siyaasada Maamulka Galmudug.

Xogta ay heleyso Idaacadda Dalsan Muqdisho ayaa sheegeysa in Ujeedada ka dambeysa arintaani ay tahay in au Gogol xaar u noqdaan sidii wadahadal loogu furi lahaa Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna kaas oo dhawaan fashilmay.

Xildhibaanada tagay Magaalada dhuusa-Mareeb ayaa la sheegayaa in ay gaarayaan ilaa 7 Xubnood kuwaas oo weli ku sugan Magaalada Dhuusa-Mareeb iyadoo aysan jirin wax kulamo ah oo ay la qaateen Madaxda maamulka gobolada Dhexe oo Dhuusa-Mareeb maamula.

Sababta ay ku tageen Dhuusa-mareeb Xildhibaanada ayaa ah mid adag balse waxay illo Xog ogaal ah sheegayaan in ay wax ka ogyihiin Madaxda ugu sareysa Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media