Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa hadda kulan ku leh Magaalada Cadaado oo h Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug iyaga oo ka hadlaya arrinta ku aadan Go’aankii Madaxweyne Xaaf ku tageeray xulufada Sacuudiga.
Kulanka markii uu furmay ayaa xildhibaano kale oo u badan kuwii ka soo horjeestay Go’ankii Madaxweyne xaaf loo diiday in ay galaan Xarunta uu ka socdo kulanka.
Dad Xog-ogaal ah oo ku sugan Cadaado ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug la geeyay afaafka hore ee Xarunta ay ku shiraan Baarlamanka Galmudug kuwaas oo u diiday in ay xarunta galaan Xildhibaanada qaar