Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya  oo Caawa kulan la leh Muqtaar Rooboow

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulan u dhaxeeya Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Muqtaar rooboow Cali Abuu Mansuur.

Kulankaan ayaa ahaa mid aan horay loosii shaacin balse,Caawa ka furmay Magaalada Muqdisho,iyada oo inta badan  ay Goobjoog ka yihiin Xildhibaanada Federaalka qeybta laga soo doortay koonfur Galbeed.

Xogaha aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Kulankaan uu yahay mid wadatshi ah,oo uu gaar u yahay Muqtaar rooboow iyo Xildhibaanada dowladda Federaalka qeybta laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Wixii ka soo baxa kulankaas kala socda radiodalsan.com

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media