Xildhibaano ka tirsan BFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda oo tababar uga socdo dalka Uganda

30 Xildhibaano Somali ah ayaa waxa uu maanta tababar uga furmay Hotel ku yaalla magaalladda Entebbe ee dalka Uganda.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Horumarinta Barnaamijyadad ee UNDP ayaa soo qabanqaabisay Tababarkaasi oo ay Xildhibaanadda ku baran doonaan Nidaamka Hoggaaminta, Horumarinta Sinnaanta Jinsiga Awood-siinta Haweenka iyo  Ka-hortagga Tacadiyadda loo geysto Haweenka Soomaaliyeed. .

Catriana Byrne oo ka tirsan Hay’adda UNDP oo ka hadashay Furitanka Seminaarka ayaa sheegtay in Tababarka loo furay Xildhibaano ka tirsan BFS looga dan leeyahay sidii sare loogu qaadi lahaa Awoodaha Hoggaamieed ee Xildhibaanada, si ay uga hadlaan, una taageeraan Baahida Gabdhaha iyo Haweenka Somalia.

Waxay kaloo sheegtay inay Somalia ka jiraan xadgudubyo loo geysto Haweenka iyo Dumarka. Gabdhaha la guursado  iyagoo yaryar iyo sara-kaca 98% ee ku yimid Gudniinta Fircooniga ee FGM waa sida ay hadalka u dhigtay.

Si kastaba ha ahaatee, Tababarka loo furay Koox ka tirsan Xildhibaanadda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ayaa lagu sheegay mid Xildhibaanadda lagu barayo Nidaamka Hoggaaminta iyo Xoojinta Xuquuqda Haweenka iyo Gabdhaha Soomaaliyeed

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media