Xildhibaano Mooshin ka gudbiyey Qorshaha Isku-dhafka Ciiddanka Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay inoo xaqiijiyeen in Xildhibano ka tirsan Guddiga Difaaca ee Barlamaanka Federalka BFS u gudbiyeen Guddoomiyaha BFS, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari mooshin ay kaga so ohorjeedaan Qorshahaasi.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda ka tirsn Guddiga Difaaca ee BFS oo codsaday inaan magacooda iyo codkooda la aadeegsanin ayaa ka digay Khatarta ka dhalan karta Isku-dhafka Ciiddanka XDS iyo kuwa Maamuyl-gobaleedyadda.

Mooshinka waxa lagu muujiyey in la doonayo in Qorshahaasi lagu ansixiyo Shirweynaha London ee Ammaanka Somalia, kaasi oo la qaban doono bisha soo socota ee May 11-da.

Mid ka mid ah Xildhibaanadda ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan  Qorshahaasi  oo hoseedi doona inlaguna bah-dilayo Awooddii Dowladda Dhexe iyo Hawlaha Difaaca ee loo idmaday Ciiddanka  Qaranka Somalia.

Xildhibaanadda waxay kaloo  xuseen in Qorshaha Isku-dhafka Ciiddamadda looga dan leeyahay inay awood sare yeeshaan Ciiddanka Deegaanadda ee hoos taga Maamul-gobaleedyadda,

Xildhibaanadda waxay kaloo ku baaqeen in Xerooyinka Tababarka noqdaan kuwa ay Ciiddanka XDS ku lahaayeen duleedka Muqdisho, waxayna gaashaanka ku dhufteen in Ciiddamadda Isku-dhfka lagu soo tababaro Xerooyinka Maamul-gobaleedyadda ka tirsan DFS.

 

Xildhibaan Saadaq Warfaa oo ka tirsan Guddiga Difaaca ee BFS ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inay Guddoomiyaha BFS u gudbinyaan Mooshinkaasi, kana soo horjeedaan Qorshaha Isku-dhafka Ciiddamadda ee lala shir tagayo Shirka London, waa sida uu hadalka u yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Qorshaha Isku-dhafka Ciiddamadda  ayaa la filayaa in lagu ansixiyo Shirka London, iyadoo ay Dowladda Britain iyo kuwa kale ee Deeqaha bixiya sheegeen inay tageero ka geysan doonaan Dib-u-habaynta Hay’addaha Ammaanka ee Somalia.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media