Xildhibaano ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray Cadaado

Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug sida qorshuhu ahaa Waxaa Maanta gaaray xildhibaano ka tirsn Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubanahaan oo xalay la sheeciyay in ay tegi doonaan Cadaado kadib markii ay cirka iskusii shareertay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan deegaanada Maamulka Galmudug.

Wafdiga waxaa qeyb ka ah xildhibaan Mahad Salaad waxa uuna ka hadlay tegi taankooda Maanta ee Magaalada Cadaado.

“Anaga oo ah wafdi ka kooban Senetarada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Dowlad Goboleedka Galmudug ayaan saakay soo gaarnay Magaalada Cadaado. Ujeedka socdaalkeena waa inaan xalino khilaafka madaxda Galmudug.

Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa waxa ay shalay gelinkii dambe ku dhawaqeen in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf, in kastoo uu durbadiiba ka jawaabay isla markaana uu sheegay in aysan jirin xilka qaadista lagu sameeyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media