Xildhibaano iyo Wasiiro Muqdisho ku soo dhaweeyey Fannaaniin caan ah.

Waxaa maanta Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aden Cadde ee magaalladda Muqdisho ka soo degay Fannaaniinta Axmed Muxumad Maxamed “Axmed Rasta” iyo Hodan C/raxmaan Dheere, kuwaasi oo Bandhig Faneed Casri ah ka dhigi doona magaalladda Muqdisho.

Fannaaniinta  waxaa Xarunta Tiyaatarka Qaranka “National Theatre “ ku soo dhaweeyey Wasiiro, Xildhibaano, Fannaaniin iyo Mas’uuliyiin aad u fara badan, oo ay ka mid yihiin Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaaafinta ee Xukuumadda Federalka, C/llaahi Colaad Rooble, Xildhibaan C/samad Macallim Maxamuud, Xildhibaan Xuseen Carb Ciise, Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Hay’adda CCA, Maxamed Ibraahim Cali “Maxamed Cajiib” iyo  Taliyaha Ciiddanka Madaxtooyadda Qaranka iyo Barbaarta Gaashaaman.

Fannaaniinta Axmed Muxumad Maxamed “Axmed Rasta” iyo Hodan C/raxmaan Dheere, oo ka hadlay Munaasabadda lagu soo dhaweynayey, waxay ka mahadceliyeen sidii xushmadda leh ee ay Madaxda  iyo Dadweynaha ugu soo dhaweeyeen magaalladda Muqdisho, waxayna tilmaameen inay ku faraxsan yihiin inay yimaadaan magaalladda Muqdisho oo Xusuus Gaar u leh.

Hodan C/raxmaan waxay si gaar ah u tilmaamtay inay Muqdisho tahay halkii ay ku dhalatay, kuna soo barbaartay.

“ Tiyaatarka Qaranka waxa uu kaalin ballaran ka soo qaatay Koritaankayga, aad baana u jeclahay  dhamaan Ummadda Soomaaliyeed” ayey tiri, oo intaasi ku dartay inay marar kale imaan doonto magaalladda Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, C/llaahi Colaad Rooble oo ka hadlay Munaasabadaasi, waxa uu sheegay inay aad ugu  faraxsan yihiin inay Fannaaniinta ku soo dhaweeyaan magaalladda Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in Fanku kaalin muhiim ah ka qaato Is-dhexgalka Bulshadda.

Guddoomiyaha Hay’adda CCA, Maxamed Ibraahim Cali “Maxamed Cajiib” oo ka hadlay Munaasabadaasi, waxa uu ka warbixiyey Socdaalka Fannaaniinta Axmed Rasta iyo Hodan C/raxmaan Dheere, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Hay’adda CCA casuuntay Fannaaniinta si ay kaalin uga qaataan Dhiirigelinta Fanka iyo Isdhexgalka Dhallinyarradda.

Guddoomiye Maxamed Cajiib waxa uu tilmamay inay Koox Fannaaniin caan ah ka qeyb qaadan doonaan Bandhig Faneed loogu magac daray “Nabadda Muqdisho iyo Dib-u-dhiska Magaalladda” oo isbuuca dambe laga dhigi doono magaalladda Muqdisho.

Bandhig Faneedka loogu magac daray “Nabadda Muqdisho iyo Dib-u-dhiska Magaalladda”  waxaa ka qeyb qaadan doona Fannaaniinta kala ah: Axmed Rasta, Iidle Yare, Hodan C/raxmaan Dheere iyo Idil Cabdi iyo Mustikistaha caanka ah ee Cujeer Cajami.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor