Xildhibaano Hir-Shabeelle oo lagu dilay Weerar ka dhacay G/Shabeellaha Dhexe

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno weerarkii loogu geystay Wadada u dahxeysa Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Gaadiid ay la socdeen Xildhibaano Hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dad lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Balcad ayaa waxa ay sheegayaan in Rag hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay wadada u galeen Gaadiidka ay wateen xildhibaanada oo ka yimid Magalada Jowhar,isla markaana xilli ay marayeen halka loo yaqaano ilbiq ay weerarkaas la kulmeen.

Laba Gaadiidka dagaalka ah oo ay wateen Xildhibaanada ayaa la sheegay in mid ka mid ah la gubay halka mid ka kale qaar ka mid ah lugihiisa ay banjareen.

Laba ka mid ah Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa la sheegay in ay weerarkaas ku geeriyooden kuwaas oo Magacyadooda lagu kala sheegay Ismaaciil Muumin  iyo Macalin Daahir Muqtaar oo labaduba ka mid ahaa Xildhibanada Hir-Shabeelle iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Raaga-Ceelle Muuse Afweyne.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa lix askari ay ku geeriyoodeen oo uu ka mid ahaa taliyihii Ciidamada ilaalada Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen oo Xildhibaanada ilaalo u ahaa.

Ciidamo gurmad ah oo ka kala yimid Johwar iyo Balcad ayaa gaarey goobta uu ka dhacay weerarka ee degaanka Ilbaq kuwaas oo goobta ka soo waday xildhibaanadii wadada loo galay.

Sikastaba Weerarkaas ayaa ku soo aadaya xilli deegaanka Haansheekh oo u dhow tuulada Gololeey horay loo dekiyey ciidamo isugu jira kuwa Dowladda iyo AMISOM kadib markii dhowr mar ay wadadaas weeraro ka dhaceyn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media