Xildhibaannada Hir-Shabeelle oo mooshin ka wada Madaxweynaha & gudoomiyaha Baarlamaanka

Waxaa soo baxay khilaaf Cusub oo u dhaxeeya Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cusmaan Barre Maxamed kaas oo lab u kala qeybiyey Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Xildhibaannada ayaa la sheegay in ay kala diyaarinayaan Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo gudoomiye Cusaman Bare Maxamed,waxan Xildhibaanadaas ay ku kala suganyihiin Magalada Muqdisho iyo Magaalada Nairobo ee dalka Kenya.

Xildhibaan Maxamed Bahsiir Daqare oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in waxyaabaha keenaya mooshinka ay ka mid tahay in gudoomiye Cusmaan uu xili Shaqo,iyada oo lagu jiro in uu safari iska aado taas oo keentay ayuu sheegay in mooshinka lag keeno.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khilaafka Madaxweyne Waare iyo Gudoomiye Cusmaan Barre uu yahay mid asbab u ah in Shaqada ay u socoto si wanaagsan,isal markaana hadii ay meel qeylo ka yeereyso ay tahay in meeshaas ay ka socoto Shaqo wanagsan.

Sikastaba weli mooshinkaas kama hadlin Madaxweyne Waare iyo Gudoomiye Cusmaan Barre kama jawaabin,waxaana horay xildhibaananda Hir-Shabeelle ay xilkii uga qaadeen Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media