Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo tababar Loogu Soo Xeray Kampala (Sawirro)

Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta loogu so gebagebeeyey magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda aqoon kororsi la xiriiray kordhinta Haweenka doorka hogaamineed ee siyaasadda dalka.

Aqoon kororsigan waxaa kasoo qeybgalay inta badan Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xubno Xildhibaanno ah oo kaaliyeyaal u ah waxaana mudada todobaadka ah ee uu socday ay Xildhibaannadu diiradda ku saareen waxyaabaha u qabsoomay mudada ay sameysteen Haweenka Xidlhibaannada ah Gole ay ku mideysan yihiin iyo kobaca xiligan saameynta ay Haweenku ku leeyihiin siyaasadda Dalka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo markii aqoon kororsigan loosoo xiray Haweenka Xildhibaannada ah la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in mudada todobaadka ah ee ay Xildhibaannadu joogeeen Kampala la qabtay shaqo adag oo ay ugu horeysay dib u eegista waxyaabihii u qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay iyo iney saameyn muuqata Haweenku ku yeeshaan sharciyada lagu dhisayo guddiyada madaxa banaan ee Dastuurku farayo taasi oo micnaheedu tahay in Haweenka kaalin muuqata kusii yeeshaan hiigsiga 2016ka.

Aqoon kororsigan magaalada Kampala loogu soo gebagebeeyey Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqonaya tababarkii seddexaad ee magaalada Kampala lagu qabto inta lagu jiro fasaxa Baarlamaanka waxaana maalinta berri ah la filayaa iney yimaadaan Uganda Howlwadeeennada Baarlamaanka si iyana ay qibrado uga kororsadaan qaabka ay looga shaqeeyo Baarlamaanka wadankan ayadoo arintanna ay qeyb ka tahay dhaqan gelinta heshiisyo ay horey u saxiixeen Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

DSC_4897

DSC_4902

DSC_4908

DSC_4913

DSC_4914

DSC_4924

DSC_4930

DSC_4932

DSC_4937

DSC_4942

DSC_4956
—DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor