Xildhibaannada Aqalka Sare oo Maanta kulan ka yeelanaya Amniga Xaruntooda

Xarunta Aqalka Sare ee Magalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa kulan ku leh Xildhibaannada Aqalka Sare,iyada oo kulankooda ay uga hadli doonaan Amniga oo Xildhibaannada qaar ay walaac ka muujiyeen.

Gudoominayo Gudoomiyaha Aqalka sare C/Xaashi C/llaahi ayaa kulanka shir guddoomin doono,waxana sida shalay la sheegay lagu soo bandhigi doonaa qodobadii ka soo baxay shirkii guddiga joogtada ay shalay yeesheen.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Axmed Macallim Cumar “Nadiir”ayaa kulankii shalay ka sheegay in sidii la rabay aan loo sgin amniga Xarunta Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa horay Warqad ugu diray Taliska Amisom oo ku aadan iney Ciidamo usoo diraan, si ay amnigooda u sugtaan.

Dhinaca kale Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa waxa ay uga hadli doonaan sidii loogu gurman lahaa dadka ay fatahaadaha Wabiyada saameeyeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media