Xildhibaanadda Barlamaanka Dowlad-gobaleedka K/galbeed oo maanta la dhaariyey.

Maamulka K/galbeed Somalia oo la qotomiyey muddo haatan laga joogo in ka badan hal sanno ayaa waxaa maanta markii ugu horreysay la dhaariyey 89 xubnood oo ka mid noqonayo Xildhibaanadda Maamulkaasi.

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaana lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda Dowlad-gobaleedka K/galbeed ee magaalladda Baydhabo.

Madaxweynaha Maamulkaasi, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ergo ka socota Dowladda Federalka iyo Urur-gobaleedka IGAD ayaana goob-joog ka ahaa munaasabadda lagu dhaarinayey Xildhibaanadaasi.

Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha wada deggan Goballadda Bay, Bakool iyo Sh/hoose ayaana soo xulay Xildhibaanadda, inkastoo ay weli jiraan Beelo aan xubno ku lahayn Barlamaanka cusub.

Si kastaba ha ahaatee, Barlamaanka cusub ee K/galbeed ayaa waxa uu xilli-hawleedkiisa ku ekaan doonaa dabayaaqadda sannadka 2019-ka.

BAY 3 BAY 2 BAY 1

© Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor