Xildhibaanada golaha Shacabka oo u Codeeyay ku noqoshada heshiiskii 17-September

Xildhibaanada golaha Shacabka baarlamaanka fedraalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan xasaasi ah,islamarkaana ahaa mid gaar ah oo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo uu khudbad ugu jeedinayay xildhibaanada.

Madaxweynaha ayaa jeediyay khudbad uu uga hadlay arrimaha amniga,Dhaqaalaha iyo doorashooyinka,islamarkaana ka hadlay muhiimadda ay leedaha xasiloonida magaalada Muqdisho.

Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu shaaciyay in uu howlaha doorashada iyo Amniga ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-garsiinta Maxamed Xuseen Rooble,muhiimna ay tahay in dib loogu laabto heshiiskii ee 17-September.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa xildhibaanada u sheegay in kulankaan loogu codeynayo ka noqoshada Xeerkii jaheynta doorashada iyada oo laga amba qaadayo codsiga madaxweynaha.

Intaas kadibna xildhibaanada ayaa u codeeyay ka noqoshada xeerkii jaheynta doorashada oo ogolaanayay muddo kordhin Laba Sano ah,dhammaan xildhibaanada ayaana u codeeyay wax ka aamusayna ma jirin.

Sidoo kalana madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyay xildhibaanada in ay aqbaleen codsigiisa,islamarkaana ogolaadeen dib ugu laabashada heshiiskii 17-September,una tanaasuleen shacabka Soomaaliyeed.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor