Xildhibaanada Golaha Shacabka oo loo kala diray fariimo iska soo horjeeda oo ku saabsan kulanka Berri

Magaalada Muqdisho ayaa Caawa laga dareemayaa kulanka golaha Shacabka Soomaaliya ee la filayo in uu Berri ka dhaco Xarunta Golaha Shacabka,iyada oo Xildhibaannada loo diray laba fariin oo xambaarsan laba Ajende.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey ayaa Xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyey Jawaari waxa uu ku wargeliyey in kulankii Golaha Shacabka Berri la qaban doono,isla markaana ajendaha uu yahay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Dhinaca kale Xildhibaanada diidan mooshinka ka dhanka ah Jawaari ayaa iyana waxaa loo diray fariimo ku saabsan in kulanka Beri ee Golaha Shacabka Soomaaliya soo xaadiraan,sidoo kalena Ajendaha kulanka uu yahay ka doodista Xiisadii Beled Xaawo.
Arrintaan ayaa waxaa jira cabsi laga qabo in kulanka Berri uu ka dhaco Xildhibaannada dhexdiooda fowdo,iyada oo kulankaan uu Sabtidii la soo dhaafay uu baajiyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Todobadkaan ayaa waxaa socotay waan waan uu Madaxweyne Farmaajo ka dhex waday gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya si xiisada loo dejiyo,balse gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta jeediyey hadalo u muuqday in wadahadaladaas ay fashilmeen,isal markaana uu madaxweyne Farmaajo ku yiri is casil laakin isagu uusan is casileyn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media