Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta kulan ku leh Muqdisho

 

Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Golaha Shacabka ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib laba Maalin ah oo ay nasasho ku jireen.

Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay in kulanka Maanta ay xaadiraan, waxaana la sheegay in Ajandaha kulanka uu noqon doono Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Tirakoobka Qaranka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay haatan u diyaar garoobayan ka qeybgalka kulanka Baarlamaanka Soomaaliya.

Sharciyo  dhowr ah in ay ka doodaan  ayaa weli horyaalla Baarlamaanka 10,aad ee Sooamaliya iyada oo horay ay u ansixiyeen Sharciyo dhowr ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media