Xildhibaanada Baarlamaanka oo Loo qeybinayo mooshin ka dhan ah Saldhiga Imaaraadka ee Berbera

Mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya ayaa la filayaa kulankooda maanta ee xarunta golaha shacabka in loo qeybiyo mooshin ku saabsan Saldhiga millatari ee uu Imaaraadku ka dhisanayo magaalada Berbera ee Soomaaliland.

Xildhibaanada ayaa ka doodi doona Moshinkaas oo ay qaar ka mid ah mudanayaashu ay u gudbiyeen gudoonka baarlamaanka.

Maamulka soomaaliland ayaa dhawaan heshiis la galay Imaaraadka Carabta, kaasi oo ku aadan dhismaha Saldhig millatari oo ay leedahay Dowladda Imaaraadka ay ka sameysaneyso magaalada Dekedda leh ee Bebera, taasi oo ay si weyn dowladda dhexe ee federaalka uga hortimid, kuna tilmaamtay in loo maray heshiiskaas sifo Khaldan.