Xildhibaanada Baarlamaanka oo laga xayiray safarada dibadda

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan (Jawaari) ayaa Maanta ku dhawaaqay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya laga joojiyay dhamaan safaradii ay ku tagi jiren dalalka dibada.

Go’aankan ayaa ku eg sida Jawaari uu sheegay inta uu ka soo xirmayo kala fadhiga imminka u socda baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waqti badan ku bixin jiray safaro dhinaca dibadda iyada oo mararka qaar ay howlo culus hor yaalan Baarlamaanka Dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor