Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan uga socdo Magaalada Muqdisho

Maanta oo Sabti ah ayaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa kulan uga socdaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxa banaan ee la Dagaalanka musuq maasuqa.

Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa Goobjoog ah Masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji,waxaana shir gudoominaya Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Hadda  waxaa socota akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxbanaan ee la Dagaalanka Musuq maasuqa.

Akhrin kadib Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka doodi doona Sharcigaan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaalada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media