Xildhibaanada Aqalka Sare oo Maanta ka shiraya dagaalka deegaanka Tukaraq

Guddiga joogtada ee golaha Aqalka sare ayaa Maanta lafilayaa in ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xaruntooda Magalada Muqdisho,kaas oo ay uga hadi doonaan qodobo dhowr ah.

Ajandaha kulanka Maanta ee Guddiga ayaa ah laba qodob ka ahdlida dagaalka deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland iyo sidoo kale jadwalka Shaqo ee inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa Dalsan u sheegay in siweyn ay uga hadli doonaan dagaalka deegaanka tukaraq kaas oo sababay dhimashada dad badan iyo dhaawaca kuow kale.

Sikastaba diyaar garowga kulanka Guddiga joogtada ee golaha Aqalka sare ayaa haatan ka socda Xarunta guddigaas ay ku shiraan ee Magalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media