Xildhibaanad Samiira oo ka badbaaday qarax loo dhigay gaari ay la socotay

Qarax geestay khasaaro dhaawac ah ayaa ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo ku dhow Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso,waxaan lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay laba qof oo uu mid kamid ah yahay Askartii saarneed gaariga yar ee nooca raaxada ah iyo mid Shacab ah oo goobta uu qaarxa ka dhacay ku sugnaa.

Wararka ay heleyso Idaacadda Dalsan ee Magaalada muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga qaraxa lala eegtay ay saarneed Xildhibaanad Samiira Xasan Cabdulle islamarkaana ay ka badbaaday.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, markii gaariga uu dhaafay miinada dhulka hoostiisa lagu aasay oo ah kuwa meelaha fog laga hago.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media