Hadalkaan ayaa waxa uu ka soo baxay Saacado kadib markii uu Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir uu sheegay in Xildhibaano uu Saabir Shuuriye ka mid yahay xasaanada laga qaado kadib markii la ogaaday in ay yihiin Qaran dumis.
War Qoraal ah oo Xildhibaan Saabir uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook ayaa waxa uu sheegay in Xeer Ilaaliyah Qranka ay soo adeegsatay Madaxtooyada Soomaaliya.
Hoos Ka Akhriso Warka Qoralka ah ee uu soo dhigay Bartiisa Facebook.
Waxaan ku faraxsanahay inaan kamid ahay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo doonaya in si daahfurnaan iyo dimoqraadiyad ah ula xisaabtamaan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xukuumadda si waafaqsan Dastuurka iyo Sharciyada Dalka
Dowladnimada Soomaaliya waxay ku dhisantahay Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo dugsanaya Shareecada Islaamka, labadooduna waxay xadgudub joogto ah kala kulmaan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyagoo u soo tafaxeytay ku xadgudubka, wiiqidda iyo baabi’inta mabaadi’da Asaasiga ah uu ku dhisanyahay Dastuurka Federaalka Soomaaliya kuwaa oo ah ku dhaqanka Nidaamka Federaalka iyo Dimoqraadiyadda
Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xafiiska Reysal Wasaaraha waxay si xadgudub ku ah Dastuurka Federaalka iyo Sharciyada Dalka u yaalla u soo adeegsadeen M.ne. Axmed Cali Daahir kaas oo aan laheyn sifo sharci ah isagoo Sharafdil u geystay Xildhibaano Golaha Shacabka oo aan kamid ahay Warbaahinta horteeda si oraah iyo qoraalba ah taasoo ah been abuur aan sal iyo raad toona lahayn waxaana la tiigsanayaa Sharciga hadduu Alle idmo.
Mahadsanidiin.
Hon Sabir Shurie