Waxaa Daqiiqad walba sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac oo ay geesteen laba qarax oo Caawa Gabaldhicii ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho.
Hoteelka Naasa-Hablood 2 oo ah goobta sida tooska ah weerarka loogu qaaday,ayaa waxaa la soo sheegayaa in khasaaraha ugu badan uu ka dhashay.
Dadka ilaa iyo hadda geeriyooday waxaa ka mid ah Xildhibaan hore oo ka tirsan Baarlamaankii 9,aad Cabdinaasir Gaarane kaas oo la sheegay in uu hotelka ku sugnaa iyo taliyihii Saldhiga Booliiska Degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir.
Xildhibaan Cabdi Naasir Gaarane ayaa hadda ka mid ahaa Xubnaha Guddiga taakuleynta Ciidamada Qalabka sida horay waxa uu u soo qabtay xilal kala duwan waxaana mar uu noqday Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya.