Xildhibaan Dalxa:- “Waxaan arkayey Culimo jibeysan, mana jirto in la faafinayey Shiico”.

G/Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Barlamaanka Federalka Somalia, Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa gaashaanka ku dhuftay Eedeymaha lagu sheegay in Munaasabaddii ay Safaaradda Iiraan qabanqaabisay Khamiistii la soo dhaafay ahayd mid lagu faafinayey Mad-habta Shiicadda.

Xildhibaan Dalxa oo maanta Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan waxa uu tilmaamay inuu ka mid ahaa Madaxdii lagu casuumay Munaasabadaasi oo ka dhacday Baarka Village ee magaalladda Muqdisho, wuxuuna sheegay inay Munaasabadda ahayd mid lagu weyneynayey Mowlidka ama Dhalashadda  Nebigeenna Maxamed  CSW.

“Waxaan arkayey Culumo Jibaysan oo ku digrinayso Salliga Nebigeenna Muxumad Calayhi Salaatu Wasalaama, mana jirin arrimaha kale ee la sheegayo” ayuu yiri Prof. Dalxa, wuxuuna intaasi ku daray inuu isagu Xafladaasi uga qeyb galay Casuumaad ay Safaaradda Iiraan u fidisay Barlamaanka Somalia.

Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in Ka-qeybgalayaasha la kala dareeriyey, iyagoo aan dhamaysanin Munaasbaddaasi, wuxuuna dhanka kale xusay inuusan falkaasi carqaladayn doonin Xiriirka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Dowladaha Federalka Somalia iyo Jamhuuriyadda Islaamka Iiraan.

Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA soo saartay Qoraal ay ku sheegtay in la qabtay Labo Nin oo u dhashay Iiraan, kuwaasi oo lagu helay inay faafinayeen Mad-habta Shiicadda.

Warbixinta ayaa lagu muujiyey in raggaasi la xiray, kadib, markii ay ka weecdeen Heshiiskii ay ku heleen Marti-gelinta ay ku joogaan gudaha Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor