Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow”Wey Soo gaba gaboowday xiisadii ka dhalatay mooshinkii Jawaari”

Guddoomiyaha BFS, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay, iyadoo lagu waday inay Xildhibaanadda  maanta Codka Kalsoonida u qaaday Mooshinka ka dhanka ah Prof. Jawaari.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in Is-casilaadda Prof. Jawaari soo gebagebaysay Xiisadda Siyaasadeed ee taagnayd.

“Waxaan saakayto joognay Xarunta BFS, o oaan diyaar u ahayn Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha BFS” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo intaasi ku daray inuu G/Xigeenka BFS so ogalay Xarunta, isla markaana uu akhriyey Warqadda Is-casilaadda ee ka timid Afhayeenka BFS.

Xildhibaan Jeesow oo ka mid ahaa Xildhibaanadda sida xooggan ugu ololeeyey Mooshinka ka dhanka ahaa Guddoomiyaha BFS waxa u urintaasi ku daray  inay aad u soo dhaweeyeen Is-casilaadda Prof. Jwaari  waafaqsan tahay Dastuurka.

Guddoomiyaha BFS, Xildfhibaan Jawaari waxa uu xilkaasi hayey tan iyo sannaadkii 2012-kii, xilligii Madaxweynihii Dowladda KMG ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media