Xildhibaan Cabdirashid Xidig”Hadii Madaxweynaha iyo RW Kheyre xun yihiin waxa ka sii xun xildhibaanadii…

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah xildhibaanada Golaah Shacabka Soomaaliya ayaa hadalkaan sheegay xilli Maanta uu hadal ka jeedinayey kulanka Golaha Shacabka ee ka socda Magalada muqdisho.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in amniga dalka xilligaan waqti ay ka wanaagsan tahay aysan jirin,isla markaana las oo marey xilli la dilayey wasiirada iyo xildhibaanada,waxana uu cadeeyey in amniga muqdisho uu yahay mid wnaagsan.

“Amniga maanta waa ka fiican yahay kii hore ee dadka yaan la qalqal galin waxaa jirtay xilli xildhibaanada ay si joogta ah u dhimanayeen, wasiiradana la dilayay isaga oo intaa raaciyey amniga magaalada Muqdisho hadda waa mid la isku halayn karo, oo meesha aan rabno ayaan ku shiri karnaa.

Sidoo kale isaga oo sii hadlayey ayuu sheegay in hadii ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha yihiin kuwo xun ay ka sii xun yihiin Xildhibaanadii doortay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli inta badan Xildhibaanadii Maanta ka hadlay kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya ay walaac ka muujiyeen xaalada amni ee dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho.