Xildhibaan Caawa ku geeriyooday Magalada Muqdisho

War goor dhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia oo ku geeriyooday isbitaalka Madiina ee Magalada Muqdisho.

Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullahi Khaliif (Duureey) ayaa ku geeriyooday isbitaalka Madiina halkaas oo loo geeyay si loogu dabiibo maadaama uu xanuunsanaa.

Allaha u naxariistee xildhibaanka ayaa lagu waday in qalliin lagu sameeyo isagoo caawa fiidkii ku geeriyooday isbitaalka Madiina sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa.

Xildhibaanka oo xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa ay ehelladiisa sheegeen in galabta la geeyay isbitaalka Madiina.

Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullahi ayaa kasoo jeeday deegaanada Maamulka Koofur Galbeed ee Somalia.

Xildhibaanka ayaa ahaa qof af gaaban iyadoo geeridiisa ay ka tacsiyeeyeen mas’uuliyiin kala duwan.