Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo sheegay in uu ka badbaaday isku day lagu dili lahaa

Xildhibaan C/llaahi Maxamuud Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka sidoo kalena ah guddoomiyaha Golaha la Magac baxay Kutlada oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 100 Xildhibaan ayaa Caawa sheegay in uu ka badbaaday iskuday dil.

Xildhibaanka oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa sheegay in Saacadu markey aheyd 5:10 Daqiiqo ee Galabta lagu rasaaseeyey Bar koontorool oo ay agagaarka Saldhigga Bari ee degmada Cabdul Casiis ku leeyihiin Ciidamada NISA.

Waxa uu sheegay in koontoroolka markii uu marayay la istaajiyey,lagana dalbaday aqoonsi markii uu lasoo baxayna la fasaxay balse isla daqiiqad kadib dhowr tallaabo uu soo rasaaseeyey askarigii Koontoroolka ka soo fasaxay gaarigiisa.

“Maanta marki ay saacadu ahayd 5:10pm ama galabnimo waxaa si bareer rasaas iigu furay Ciidamada NISA xilli aan marayay meel checkpoint ah kadib marki ay gaarigayga istaajiyeen ina weydiiyeen aqoonsi waana la wadaagay kadib waxaa ay nagu wargeliyeen in aan usocon karno balse marki aan soo dhaafay 20 Mitir waxaa igu soo bilaabay rasaas isla askarigi I fasaxay iyo qaar kale oo lajoogay sidoo kale waxaa uu amray gaari nuuca ciidamada oo qori weyn saaranyahay in uu I rasaaseeyo, waxaa xilligaas gaariga ila saarnaa hal askari oo kaliya, weerarkaas qaawan waxaa uu ahaa mid qorshaysan waana allah mahadiis waa nabad qabaa.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in dhowr mar Ciidamada NISA ay ka soo gaartay handadaad,isla markaana uu la wadaagay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh cabdiraxmaan,isaga oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo falkii Galabta dhacay.

Sikastaba is rasaaseyntii Galabta dhex matay Ciidamada NISA iyo ilaalada Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa la sheegay in aysan ka dhalan wax khasaaro ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media