Xiisado dagaal oo Saakay ka taagan Gobolka Galgaduud

Xiisadaan dagaal ayaa u dhaxeeysa Ciidamada Maamulka la magac baxay Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca iyo Ciidamo ay wataan dadka deegaanka Xeraale oo horay ugu wada dagaalameen.

Xiisadaan ayaa timid kadib markii Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna ay Ciidamo farabadan ay xalay keeneen duleedka deegaanka Xeraale taas oo tuhun gelisay ciidamadii horay ula dagaalamay.

Qaar ka mid ah Shacabka Xeraale ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay cabsi soo wajahday kadib markii ay dareemeen xiisada u dhaxeysa dhinacyadii ku dagaalamay Xeraale.

In kastoo Saakay wax dagaal ah uusan ka jirin deegaanka Xeraale ayaa hadana waxaa jira guluf colaadeed oo ay wadaan labada dhinac