Xiisada dagaal oo Caawa ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Mudug

Waxaa Caawa xiisad colaadeed laga dareemayaa deegaanka Galdogob ee Gobolka  Mudug kadib markii xalay ilaa Maanta ay ku wada dagaalameen laba Maleeshiyo beeleed.

Dagaaladaan ayaa waxaa la sheegay in ay sabab u yihiin aanooyin dhanka qabiilka ah,taas oo sababtay in ay israadsadaan Maleshiyaadka labada Beelood oo halkaasi isku heesta.

Dagaaladii u dambeeyay ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 ruux,oo labada dhinac ah,waxaana deegaankaas gacanta ku haya maamulka Puntland.

Dagaalada oo ah kuwo ku Cusub deegaanka Galdigob,ayaa waxaa Caawa la soo sheegaya in dadka ku nool ay bilaabeen in ay barakacaan sababo la xiriira iyaga oo ka casbiqaba in dagaaladaas ay sii faafaan.

Wararkii u dambeeyay ee Caawa na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay xiisada ka taagan tahay islamarkaana ay weli ishorfadhiyaan Maleeshiyaadkii wada dagaalamay,waxana laga cabsi qabaa in ay markale wada dagaalaamaan.

Warbaahinta Dalsan ayaa xiriir la sameysay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland waxa ayna diideen in ay ka hadlaan dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaanka Galdogob ee gobolka Mudug

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media