Xiisad u dhaxeysa laba maleeshiyo Beeleed oo ka taagan Magalada Baladweyne

Xiisadaan dagaal oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa weli waxay ay ka taagan duleedka Galbeed ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo shalay dagaalo goos goos ah uu ku dhex maray labadaasi  maleeshiyo.

Dagaalkii halkaasi ka dhacay ayaan weli la cadeen khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay waxana jira in xiisadaasi ay ka dhalatay dhul daaqsin ah oo halkasi ku yaalla tasna ay keentay in ay wadasameeyan dilal aargoosi ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in  haatan uu halkaasi ka socon wax dagaal ah balse markasto la filan karo in ay wada dagaalamaan laabdasi maleeshiyo maadaama weli ay ishor fadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay.

Qaar kamid ah waxgaradka ku nool Gobolka hiiraan oo aan la xiriirna ayaa waxay sheegeen in ay iminka wadaan waan wan ku aadan sidii dagaal beeleedyadaas xal buuxa looga gaari lahaa,iyagoo garab ka helaya Masuuliyiinta Maamulka Gobolka hiiraan.

Dhawaan ayay aheyd markii Xaafada Howl-Wadaag ee Galbeedka Baladweyne ay ku wada dagaalameen Ciidamo ka tirsan kuwa dowaladda Somaaliya iyo ciidamo is abaabulay walow markii dambe dagaalkaas uu si iskiis ah u joogsaday,waxana dagaaladaan ka soo cusboonaaday qeybo kamid ah Magaalada Baladweyne walaac ka muujiyay qeybaha kala duwan ee Bulsahda  ku nool Gudaha Gobolka hiiraan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media